X

Shir dhaqameed Hargeysa uga socdey beelaha Garxajis Harti iyo Samaroon oo soo xirmey

Shir dhaqameed Hargeysa uga socdey beelaha Garxajis Harti iyo Samaroon ayaa soo xirmey. Shirkan oo la socda wixii ka dhacay doorashada halkaas oo laba jufo oo ISAAQA is bahaysteen.



Sida tibaaxaha Warfidiyeenku helay sheegayaan,Si aan xoggaha Kulamada & shirarka Hogaameedyo dhaqameedyada Beelahaas aan kor ku xusnay u socday Warbaahinta u gelin ama debeda ugu bixin ayaa aad loo xadiday Galaangalka Saxaafada Goobahay ku shirayeen taas la ajligeedna ay adkaatey in la helo Ajeendaha Shirka,Natiijada & Go’aamada ka soo baxay .



Kulankii ugu danbeeyay ama lagu soo gebagebeeyay oo isagu jiray Hadhimo & Fadhi qaatey waqti dheer ayaa Xogguhu sheegeen inuu ahaa mid ay Madax-dhaqameedka sadexdaa beelood isu-dhamaayeen, Axwashii & Maxsuulkii ugu danbeeyayna lagu kala qaatey.



Saaka ayaa sida xoggaha Warfidiyeenku helay tibaxayaan Madax-dhaqameedka Beelaha aan kor ku xusnay qaarkood ka anbabaxaan Hargeysa,iyagoo ku sii jeeda degaanaday ka soo kicitimeen.

Xigasho Qarannews

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.