X

Shir u dhaxayn lahaa maamul goboleedyada Koofurta iyo dawlada dhexe oo baaqdey iyo sababta

Shirkii maamul goboleedyada Koofurta iyo dawlada dhexe ayaa baaqdey waxana sidaas sheegay wasiirka arimaha gudaha dawlada Somaliya oo saxaafada kula Hadley garoonka Muqdisho.

Wasiir Juxa ayaa intaa ku daray in qaar ka mida maamul jufeedyada ayna soo gaarin Muqdisho sida Puntland, Jubba iyo Hir Shabeele. Shirkan ayaa muddo hore la iclaamiyay kana dhigeyso balandaro ay ku kaceen maamul jufeedyada aan Muqdisho imaan waa sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan dawlada.



Waxa kale oo xildhibaanku intaa ku daray inayna jirin cid ay ka baqaan maamul goboleedyadu taasna ka dhigeyso in ayna ku qasbanayn inay yimaadaan Muqdisho.

Shirkan maanta dhici lahaa ayuu yiri wasiir Juxa waxa uu dib ugu dhacay maalinta beri ah oo Axadda waa haddii inta maqan ay yimaadaan.



Khilaafka siyaasadeed ee hadda Jira ayaa ah mid ay abuureen dawladaha Carabta siiba Imaaraadka kuwaas oo lacaga u qaybiya maamul goboleedyada si ay u qaataan mowqif ayna xaq u lahayn oo dastuur dhoodhoobka ku qoran.



Shacabka Somaliyeed oo aan loo adeegin ayaa khaati ka taagan murano dagaalo keena ayadoo ayna jirin awood lagu hirgeliyo go’aanada dawlada.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maamulada Puntland iyo Jubba Xamar ka soo degeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

 


admin:

This website uses cookies.