Shirka berito ee Ingiriisku u qabanayo dawlada Somaliya kana soo qaybgalayaan dawlado dhowra ma fashilmey inta aanu bilaabanba. Madaxweynaha Somaliya iyo wafdi maamul goboleedyo oo uu hogaaminayo ayaa shirkan lagu casuumay waxana muuqata in tigidhku ka soo khasaaray haday iyagu iska soo bixiyeen.
Shirarka noocana ee waqti lumiska ah waxay ahayd in dawlada casuumada fidineysa ay bixiso kharashaadka ku baxaya sida tigidhada iyo wixii la halmaala. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ka yimi dad dhibaato abaareed iyo mid colaadeed ay haysato.
Shirkan Ingiriisku ku awrkacsanayo ayaa qodobada lagu saxiixayaa ay ka mid yihiin sidii Somaliya loogu raadin lahaa deeq dhaqaale kamana duwana kii Xasan Sheekh loo qabtey.
Qodobada la saxiixayo waxa kale oo ku jirta mid ay ka wada shaqayn doonaan kuwa saxiixay iyo dawlada Somaliya guud ahaan. HORAA LOO SOO ARKEY.
Sidaas awgeed ma dhaafsana warqada uu ku qoran yahay. Ingiriiska ayaa dareensan in madaxweynaha Somaliland shirka iman karin xaalada caafimaad ee uu ku jiro awgeed sidaa darteed shirka looga reebay.
Isku dirka ugu weyn ayaa ahaa heshiis lagu kala tagey oo Xasan Kheyre la saxiixdey maamul jufeedyada oo ku saabsanaa ciidamada kaas oo lagu dari doono warmurtiyeedka soo bixi doona berito oo hadaba qoran.
Heshiiska xooga la saaraayo ee warqada ku qoran ayaa ah sidii loo dhamaystiri lahaa dastuur dhoodhoob aan Somalidu lahayn oo aan ka turjumin dhaqanka iyo diinta oo laga soo minguuriyay reer galbeedka una adeegaya inta danteeda ka dhex aragta sida kuwa federaalka fashilmey jecel.
Ma jirto hal QODOB oo Somalida waxtar u leh oo warqada beri la akhrin doono ku qoran, waxayna kuu tilmaamaysaa in lacagtu ka soo khasaartey inkastoo dadka qaar dalxiis fiican u tahay IMAATINKA INGIRIISKA.
Isku soo duubo waa shir diiradiisu tahay mid siyaasadeed oo Ingiriisku isku muujinayo asagoo isha ku haya wadamada Turkiga iyo Carabta.
Ugu dambeyn shirkan ayaa fashilmey inta aan warmurtiyeedka la akhrinba oo ay haboontahay in dawlada Somaliya waqtiga ku lumin shirar noocana oo dambe ee iyadu wadato danaheeda lana shaqayso kuwa ay ka dhex aragto maslaxadeeda.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS