X

Shirka Farmaajo iyo maamul goboledyada oo Cabdiwelli Gaas diidey arin

Shirka Farmaajo iyo maamul goboledyada oo Cabdiwelli Gaas diidey arin.

Caqabad cusub ayaa ka soo if baxday shirka Golaha Amniga Qaranka oo maalintii 3-aad ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo shirkan oo lagu waday in maanta la soo gaba gabeeyay uu dib ugu dhacay kala aragti duwanaan ka dhashay qodobada qaar ee laga doodayay.

Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in Madaxda ay durbaba isku qabteen qaabka dhismaha ciidamada iyo habka lagu sameynayo, iyadoo shirkii hore la isku afgartay in la diso 18 kun oo askari, kuwaas oo min 3 kun askari uga imaanaya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.



Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirka ka soo jeediyey in hanaan awoodeed lagu qaybsado ciidanka qaran ee ladhisayo, islamarkaana dowladda dhexe ay ka caddaalad samayso arrimahaasi.

Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Galmudug Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo jeediyay in arrinta amniga aan la siyaasadeyn, isla markaana qabiil la hoos-geyn.



Waxaad is waydiin kartaa waxa loogu baahan yahay kooxdan cusub ee loo bixiyay golaha amniga qaranka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.