X

Shirka madasha aragti wadaaga oo Jabuuti ka furmey iyo waxa looga hadlayo: MAQAL

Shirka madasha aragti wadaaga ayaa Jabuuti ka furmey iyo waxa looga hadlayo. Shirkan oo ay marti gelisay Dowladda Jabuuti ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qeybaha bulshada ee geeska Afrika, Qurba joog, Aqoonyahano, iyo masuuliyiin tirsan Maamulada Soomaalida ah ee dalka Jabuuti.



Shirkan ayaa wuxuu yahay mid sanadle ah waxaana isugu imaanaya, dadka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka oo ay ka mid yihiin dalalka Kenya, Itoobiya, Soomaaliya, iyo dalalka caalamka.



Mausuliyiinta shirkan ka qeyb galeysa ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Xasan, wuxuuna sheegay shirkan in uu ku soo bandhigi doono mowqifka Dawladda, Hiigsiga fog iyo midka dhow, qorshaha Dowladda iyo arrimo kale.



Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.