X

Shirkada diyaaradaha ee Flydubai oo Hargeysa ka bilaabeysa duulimaadyo 2015

Dubai 11 Dec 2014–Shirkada diyaaradaha ee Flydubai ee laga leeyahay dalkaasi Dubai ayaa duulimaadyo cusub ka bilaabeysa Hargeysa iyadoo ku tilmaantey suuq cusub oo soo baxay. Shirkada ayaa sheegtay inay usbuucii laba mar ka duuli doonto Dubai ilaa Hargeysa maalmaha ugu horeeya kadibna ay sii labalaabi doonto.

Flydubai ayaa leh diyaarado cusub oo casri ah oo la jaanqaadi kara caalamka halka diyaaradaha taga Somaliya ay yihiin kuwa la isticmaali jirey ilaa sanadihii sagaashanadii ka hor.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.