Shirkada weyn ee Samsung ee samaysa telefishanada, moobilada gacanta iyo qalabada kale ee ku shaqeeya korontada gacanta ayaa joojisey samaynta telefoonkeeda casriga ah ee NOTE 7 oo qarxay xilli la buuxinayo.
Diyaaradaha aduunka ayaa iyagu madnuucay la fuulitaanka diyaarada telefonkaas loo yaqaan NOTE 7 ee qarxaya. Shirkada ayaa hore u sheegtay in qofkasta oo iibsadey telfoonkaas gacanta uu ku celiyo halkii uu ka iibsadey si loo dayactiro.
Shirkada ayaa isku daydey in ay wax ka qabato dhagaxa telfoonka laakiin waxay u muuqataa in ay ku guuldaraysatey kadib markii isla kuwii ay ka bedeshay dhagaxa uu ololey.
Talaabada shirkada ayaa ku keenaysa dib u dhac iyo dhaqaalo xumo. Wasiirka maaliyada ee Koonfurta Kuuriya ayaa sheegay in joojinta telefoonkaasi uu keenayo khasaare weyn.
Samsung ayaa aad loo iibsadaa moobiladeeda waxayna tahay hadda lambarka koowaad kadib markii la iibsadey shirkadii Nokiya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS