X

Shirkada Whatsapp oo telifoonada qaar ku shaqayn doonin iyo kuwa ay yihiin

Shirkada Whatsapp ayaa telifoonada gacanta qaar ku shaqayn doonin. Shirkada oo akhbaar kooban soo dhigtey shabakadeeda ayaa sababta ku sheegtay in ayna sii wadi karin caawinta telifoonada qaar.



Hadaba telifoonada gacanta ee Whatsapp ku shaqayn doonin ayaa waxa ka mida Blackberry OS, Blackberry 10, Windows 8.0 iyo wixii ka weyn, Nokia S40, Android 2,3,7 iyo wixii ka weyn.

Whatsapp ayaa waxa isticmaala aaladiisa codka hal bilyan iyo bar qof. Waxay intaa ku dartey shirkadu in go’aankani yahay go’aan adag laakiin loo baahnaa.



Telifoonada qaar ayaa inta badan sidaa loo isticmaalin ama waqti hore ahaa oo aan la si fiican u muujin Karin casriga kuwa dambe inkastoo Windows ay welli haystaan dad aad u farabadan.

Telifoonada hoose ayaan whatsapp ku shaqayn doonin sanadka cusub.

Hoos ka fiiri nooca telifoon ee ay yihiin

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.