X

Shirkii dibiro dhacsiga ee Jabuuti oo hal natiijo ka soo baxday

ARAABINEWS

Waxa si xun u fashilmay shir kooxda Heritage ee wadatay fikradaha shisheeyaha uga furmay Jabuuti. Marka aad leedahay shirku hal ujeedo ayuu lahaa oo ah in fikrado shisheeye lagu soo dhextuuro doorashada tiina waxa ka soo baxay in gunti giijiye Rooble loo soo dhiibay inuu guddiga khilaafaadka eryo ayuu yiri Cali Calasow.


”Intii waa sameeyay markii uu soo noqdayna wuxuu eryay 7 nin oo aan waxba galabsan laakiin raacaya sharcigii loo dejiyay ee isla gunti giijiye Rooble saxiixay.


”Markaad wax eryayso waa inaad la timaadaa wax cad oo muujinaya in sharcigii lagu tuntey ama la baalmaray ayuu qabaa Cali Calasow. Kuraas cusub miyay u soo saaraysaa fadhiidyada la baxay musharixiinta Hawiye ayuu raaciyay Xuseen Warsame.



Si kastaba ha ahaatee ujeedadu waxay ahayd dibiro dhacsi, waxase banaanka is keenay qolooyinkii matalaayay warbaahinta reer galbeedka oo si cad isku muujiyay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.