Shirkii IGAD oo soo xirmey iyo waxyaabaha ka soo baxay
Mudane Farmaajo madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale, khudbadiisa ku faahfaahiyay isla markaana si qoto dheer ugu hadlay xaaladaha abaaraha ee dalka jira iyo sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga gacan siiyo dib u dhiska hey’adadeeda dowliga ah.
Sidoo kale, madaxweynaha dalka Kiiniya Uhuru Kenyatta ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay horumar balaaran sameysay isla markaana loo baahan yahay in wadamada gobolka iyo guud ahaan Caalamka looga baahan yahay in ay garab istaagaan dadka iyo dowladda Soomaaliya si guulahaas la gaaray aan loo kala dhantaalin.
Shir madaxeedka galabta Nayroobi lagu soo gabegebeeyay ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay madaxweniyaasha dalalka Yuganda Yoweri Museveni, Suudaanta koofureed Salva Kiir, Jabouti Ismaïl Omar Guelleh iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Suudaan Hassabo Mohamed Abdulrahman.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS