X

Shirkii Kismaayo oo aan wali furmin iyo qaar ka tirsan beesha caalamka oo Nayroobi ku laabtey

Furitaanka shirka madasha wadatashiga qaran ee federaalka Soomaaliya oo maanta 12 Janaayo 2016 lagu waday inuu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaar ah u ah Maamulka Jubbaland, ayaa dib ugu dhacay maanta gelinka dambe, sidoo kale shirku waxaa uu horay dib ugu soo dhacay Labo maalmood, maadaama ballansanaa in shirku uu 10-kii bishaan furmo.

Saraakiil Kismaayo ku sugan ayaa xaqiijiyey in furitaanka shirku uu galabta dib ugu dhacay sababo la xiriira Madaxweyne Xassan Sh Maxamuud oo safar ku tagaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe halkaas oo uu ka furmayo shirka Maamul u samaynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Guud ahaan ergooyinka shirka ka qaybgali lahaa marka laga reebo madaxweyne Xassan Sh Maxamuud ayaa hadda ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana si weyn loo adkaynayaa Ammaanka magaalada gaar ahaan hotelada ergooyinku daggan yihiin iyo xarunta shirka lagu qaban doono ee Guriga Martida Jubbaland.

Wafdiga Madaxweyne Xassan Sh ayaa la sheegay inay galabta gaari doonaan magaalada Kismaayo halkaas oo uu islamarkaba shirku ka furmi doono.

Shirka ayaa Maalintii Seddexaad u xaniban Madaxweyne Xassan Sheekh oo Kismaayo laga sugayo, oo isagu shirka uga baaqanayey mashquullo u gaar ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.