Waxa hadda la Ansxiyey Shir-guddoonka Golaha Dhexe oo uu guddoomiye u noqon doono Jaamac Shabeele, Guddoomiye-ku-xigeenka Maxamuud Jaamac Waxdad iyo Xogyaha. Waxa ogolaaday 338 xubnood, waxaana diiday 19. waxaana ka aamusay 18 xubnood. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Jaamac Shabeel waxa uu ballanqaaday in xilkaas si fiican u gudan doono, waxaannu furay shirkii 5aad ee xisbiga, iyadoo la ansixinaayo hadda ajendeha shirka oo ay soo jeedin doonaan.
Goobta ayaa amaankeedu adkaa waxa dhinaca kale isaguna la sugayaa in uu furmo shirka garabka isbahaysiga oo ka furmey goob aan ka fogeyn ilaa hadda ma jiraan wax rabshado.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM