X

Shirkii wadatashiga doorashada 2016 oo laga soo saaray arin laga naxo iyo sii socodka 4.5

Shirka looga tashanayo qaabka ay noqon doonto Doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2016 ayaa la soo gabo gabeeyay, iyadoo laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ay ku jiraan in la kordhiyo tirada dadka aan shaqayn ee lacagta fadhiga ku qaato iyadoo la abuurayo AQAL SARE.

Qodobadan ay ku jiraan in la dhiso AQAL SARE oo macnaheedu yahay in odayaal kale lacag ku cunaan fadhi xilli dadku sugayaan in 275 xildhibaan laga dhigo 95 xildhibaan ayasa dad badan ka nixisey..

Waxa kale oo faraha laga qaaday in la sii wado 4.5 dhinaca kalana deegaano wax lagu qaybsado iyadoo aanla sheegin sida taas loogu heshiiyay.

Wararka ka imaanaya goobta shirka lagu soo gabo gabeeyay ayaa tilmaamaya in kulankii maanta laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob, waxaana qodobada ka mid ah in la dhiso golaha aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka, iyadoo la isku dheeli tirayo qaababka lagu soo xulayo ee 4.5 iyo hab deegaan intuba.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka kajira, Mas’uuliyiin ka socda Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan ,Ergo ka socota Ururada Bulshada rayidka iyo Beesha caalamka ayaa haatan la soo gabo gabeeyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.