Waxa lagu kala kacay shirkii waqti lumiska ahaa ee Farmaajo iyo Muuse Biixi ee Ismaaciil Cumar Geelle rabay inuu saxaafada uga weeciyo dibed baxyada ku socda. Shirkan aya gebi ahaanba Soomaali wadan wuxuuna ahaa mid ay wateen dawlado is muujinaya ayuu yiri Xuseen Warsame.
Fashilka shirkan aan markii horeba laga wadahadal qodobada aya yimi markii Muuse Biixi meesha keensaday in la aqoonsado xilli aanu aqoonsi ka haysan ISAAQA dhexdiisa iskaba beelaha la wadaaga magaca Somalilaan.
Shirkan waxa gaaladu ugu talogashay in maqaam Muuse Biixi iyo kooxdiisu ayna ka taagneyn ay siiyaan, ayadoo ujeedadu ahayd in Ingiriisku ku gorgortamo waxa jira maamul go’ay ayuu yiri Cali Calasow.
Ugu yaraan markaad magaca Muuse Biixi sheeganayo aad ka haysato aqoonsi ayaa soo hor fariisan kartaa dawlada dhexe. Waxase cad in shirkan degdega ujeedadii gaalada ka lahayd ay ka gaareen.
Si kastaba ha ahaatee waxa markale lagu celiyay qodob Ingiriiska, Imaaraadka iyo Itoobiya aad u danaynayeen oo ah in aan la siyaasadeyn kaalmada iyo maalgashiga oo macnaheedu yahay in dawlada dhexe laga boodo.
Hase yeeshee dawlada dhexe ayaa qabyo qoraalkaas ku gacan saydhey sheegtayna in ayna aqbalayn qoraalkaas oo uu hore u aqbalay fadhiid Sheekh Shariif yo Xasan Sheekh.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS