Shuruudaha laga rabo musharixinta Koofur Galbeed ayaa la shaaciyay. Shariif Xasan ayaa doorasho isku diyaarinaaya waxana ka dhamaatey qaylada ah in dawlada dhexe farogelin ku hayso. Shariif Xasan ayaa Imaaraadku maalgeliyaa.
Guddiga Doorashada Maamulka Koofur Galbeed aya shaaciyay shuruudaha oo ayna ku jirin in qofku aqoon leeyahay kuna jirin argagixisada gaaleynta Muslimiinta.
Qofka Musharaxa ah waxaa la dul dhigay Lacag dhan (Labaatan Kun oo Doolar) $20,000, halka Haweenka laga doonayo Bixinta Toban kun oo Doolar ($10,000), da’da Musharaxane aan ka yaraan 40-sano.
13-ka illaa 16-ka Guddiga iyo kormeerayaasha Doorashada ayaa ka kulmi doono Doorashada oo dhici doonto 17-ka Bishaan November sida ku xusan Warqadda Habraaca guddiga.
Hoos ka arkhri waxa ku qoran warqad gudigu soo saaray
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS