Horjoogaha Puntland Siciid Deni ayaa sii daayay culimo lagu aaminay dib u dhiska wado dhexmarta Boosaaso oo ay bixisay dawlada dhexe. Siciid ayaa rabay in lacagtaas isaga soo marto oo bangi uu leeyahay ay ku dhacdo.
Markii uu fashilmey ee uu sii hayn kari waayay ayuu go’aansaday inuu ooda ka qaado maadaama waxa lagu haysto ay tahay musuqmaasuq cad oo ah ilaa aan shah ka qaadano ma dhisaysan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Puntland ayaa dalbaday in si deg deg ah lagu sii daayo xubnaha xiran.
Guud ahaan inta ooda laga qaaday ayaa ah:
Sh. Maxamed Macalin Axmed
Eng. Maxamud Maxamed Xuseen (Maalfo)
Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax
Maxamed Faahiye