X

Sidee kuraasta aqalka sare u qaybsadeen beelaha Puntland iyo Galmudug

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa laga rabay inuu soo sharxo ugu yaraa 22 musharax si kursigiiba ay ugu loolamayaan laba musharax, laakiin waxaa la sheegay inuu soo sharxay 44 musharax oo ka dhigan in kursigiiba ay u taagan tahay 4 musharax.

Liis ay ku qoran yihiin 44 musharax ayuu C/weli Gaas diyaariyay, kaasoo dib loo dhigay in loo gudbiyo Baarlamaanka Puntland oo laga doonayo inuu 11 ka mida ka doorto.

BEELAHA PUNTLAND AYAA 11-KA KURSI EE AY KA HELEEN AQALKA SARE LOOGU QEYBIYAY SIDA SOO SOCOTA:

Dhulbahante: 2 xubnood

Warsangeli: 1 xubin

Leelkase: 1 xubin

Dashiishle: 1 xubin

Majeerteen: 6 xubnood, oo ay u kala heleen:

Cumar Maxamuud: 1 xubin

Ciise Maxamuud: 1 xubin

Cismaan Maxamuud: 1 xubin

Cali Saleebaan: 1 xubin

Mahad Cawad: 1 xubin

Beelaha kale ee Majeerteen: 1 xubin

Xubnaha sare ayaa wali shaandheyn lagu wadaa

Hoos ka akhriso kuwa Galmudug

Inta badan Waxaa qeybiyay Xubnaha aqalka sare Madaxweynayaasha Maamulada gobolada dalka ka jira, waxa ayna Masuuliyiintan la sheegay in xubnaha aqalka sare u wataan xubno iyagu rabaan jeebkana ugu jira.

Halka ka aqriso sida Beelaha Galmudug loogu qeybiayy Xubnaha Aqalka Sare

1. Beesha Habar-Gidir..2
2. Besha Mareexaan …1
3. Beesha Murusade …1
4. Beesha Duduble ……1
5. Beesha Abgaal ……..1
6. Beesha Dir …………….1
7. Beesha Madhibaan …1
8. Beesha Shiikhaal …….0

Waxa kuu muuqata in beelaha Majeerteen iyo Hawiye ku shubteen tirada xildhibaanada ee labadaasi maamul jufeed. Liiskan ayaan wali u baahan in la sii kala shaandheeyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.