X

Sidee munaafaqii lagu aaminay safiirka Ruushka uu u toogtey

Safiirkii Ruushka ee dalkaasi Turkiga ayaa waxa diley 22 jir aan caqligiisu ku filneyn oo ku kacay talaabo rasuulkeenu CSW inooga digey oo ah in calaamadaha munaafaqa ay ka mid tahay in wixii lagu aamino ay khiyaamaan.

Ninkan ayaa lagu aaminay ilaalinta safiirka waxana uu joogey safiirka xagiisa dambe, wuxuuna watey bastoolad ay ahayd in uu ku difaaco safiirka martida u ah dalkiisa.

Sida caadiga ah argagixisada ayaa lagu yaqaan markay dilaan bani aadamka inay ku hadaaqaan Allahu Akbar. Waxa wali la baadhayaa in ninkan dilay uu ka mid yahay urur diimeedka Erdogan ee akhwaan Muslimiin iyo in kan Sucuudigu taageero ee Daacish.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.