X

Sidee wax kuugu dhimi karaa qoraalka uu saxiixay Trump haddii aad joogto Maraykan iyo digniino

Kadib qoraal sharciyaysan oo uu saxiixay madaxweyne Trump ayaa dad badan iswaydiinayaan sida uu wax ugu dhimmi karo soo gelida Maraykanka.

Qoraalka Trump uu saxiixay ayaa dalka Maraykanka loo diidey ilaa todoba wadan oo Muslimiina oo ay ku jirto Somaliya in ay soo galaan Maraykanka iyadoo ayna ku jirin dadka wata baasaboorada safiirada iyo hay’ada Qaramada Midoobey.



Wuxuu muddo 120 maalmooda joojiyay qoxootiga soo galayay Maraykanka.

Wadamada loo diidey in ay Maraykanka soo galaan dadkoodu waxa ku Jira wadamo u Maraykanku burburiyay sida Liibiya, Ciraaq iyo Siiriya iyo Yaman waxa kale oo ku Jira Somaliya, Suudaan, iyo Iiraan.

Dhamantood waa Muslim wadamadaasi waliba boqolkiiba boqol inkasta oo wadamada xadaaradaha leh sida Ciraaq iyo Siiriya laga helayo dadyow waligood deganaa oo aan Muslimiin ahayn.

Trump waa ogolyahay dadyowga aan Muslimka ahayn ee ku nool wadamadaasi siiba Ciraaq iyo Siiriya in ay toosa u yimaadaan waliba soo cararaan.



Ururada Muslimiinta

Ururada Muslimiinta ee Maraykanka ayaa u digey Muslimiinta jooga Maraykanka iyo kuwa ka maqan hadda in ay raadsadaan garyaqaano inta ayna ka bixin ama ku soo noqon Maraykanka.

Waxa sidoo kale loo digey dadka haysta deganaanshaha Maraykanka ama kaadhka loo yaqaan kaadhka cagaaran (GreenCard) ee ka soo jeeda wadamadaas, inkastoo ayna kala cadayn in iyaguna ku jiraan dadka aan soo geli Karin.



Ururkan iyo ururada kale ee Maraykanka ayaa sheegay in ay si deg dega ula fuuli doonaan Trump maxkamad oo uuna guulaysan doonin. Waxay ku baaqeen in Muslimiinta wadamadaasi ay dib u dhigtaan safaradooda muddo 90 maalmood ah.

Aafada Sharcigu ku yeelanayo ganacsiga



Shirkadaha ugu waweyn Maraykanka sida Google iyo Microsoft oo inta badan khuburada tiknoojiyada ka keensada qaar ka mida wadamadaas iyo kuwo kale ayaa ka digey cawaaqib xumada sharcigan ku yeelanayo tartankooda.

Waxay shirkadaahi ugu baaqeen khuburadaas tiknoojiyada ee u shaqeeya in ay deg eg u soo galaan Maraykanka.



Mulkiilaha Facebuuga ayaa isaguna sheegay in uu yahay sharci qaldan oo ka hor imanaya dadka isaga oo kale ah oo Yuhuudi ah in uu raadsado xoriyada Maraykanka.

Waxa durbaba bilaabmey maxkamado lagaga hortagayo sharcigan Trump oo hadda bilaabmey waxana u horeeya ururka Muslimiinta Maraykanka iyo Ururka weyn ee xoriyada shacbiga Maraykanka.



Ururka Carabta Maraykanka ayaa iyaguna bilaabey maxkamad ay ku diidan yihiin cunsurinada Trump. Waxayna u muuqata in hawsha u badan ee lagu diidan yahay sharcigan cunsuriga ah ay ka bilaabantey Maraykanka.

Ma jirto awood isku xiran oo wadamadaasi burbursan ay xidhiidhka ugu jarayaan Trump taas oo Trump gelin lahayd walwal siyaasadeed iyadoo uu durba Migsiko xiriirkoodu xumaanayo.

Waxa dadka badankoodu is waydiinayaan waxa Trump ugu dari waayay Sucuudiga iyadoo sirdoonka dalkaasi isku raacay in dadkii qarxiyay daaraha Maraykanka sanadii 2011 ay dhamaantood ahaayeen Sucuudiyiin.

Waxa kale oo Iyana jirta in uuna jirin hal qof oo qoxooti ah oo dhibaato ka gaystey dalkaasi.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.