X

Siilaanyo oo eryay wasiirkiisii boosaha oo Awdal ka soo jeeday lana filayo in uu ku bedelo maayerkii Boorama ee hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-

 1. Ujeeddo:      Xil-ka Qaadis 

Ø  Ku:      Mudane, Maxamed Jaamac Abgaal,

            Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Og:      Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

 

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cismaan Garaad Soofe, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

2. Ujeeddo:   Xil-ka Qaadis

Ø  Ku:      Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),

            Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda JSL

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

 ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

              Naasir Yuusuf Daahir

Secretary Office Media of the Presidential

 

admin:

This website uses cookies.