War ka soo baxay guriga madaxweynaha Somaliland oo aan la garanayn cida soo saartey maadaama Siilaanyo shaqo ku lahayn hawlmaalmeedka maamulka uu ku magacaaban yahay ayaa looga hadlay sixirbararka.
Sixirbararka ayaa waxa sababay lacagta maamulka Somasliland ee si xad dhaafa loo soo daabacdey kadibna lagy bedeshay lacag xalaasha ah ee doolarka.
Qoraal soo baxay ayaa sidan u qornaa
- Isticmaal la’aanta lacagta qaranku waa dembi. Sidaa darteed, waa waajib Qaran in dhammaan muwaadiniinta iyo shisheeyaha ku nool Jamhuuriyadda Somaliland, ay si rasmi ah u adeegsadaan, waxna ku iibiyaan waxna ku iibsadaan lacagta dalka. Cid kasta oo ka hortimaadda dhaqan-galkeeda iyo isticmaalkeeda, waxaa laga qaadayaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
- Waxaa reebban in shaqaale weynaha dawladda, ciidammada iyo madaxda kala duwan ee qaranku ay ku beddelaan mushaharkooda lacagta Dollar-ka. Sidoo kale, waxaa reebban in sarriflyaashu wax ku beddelaan ama lacagaha qalaad ku sarrifaan Baanka Dhexe iyo Laamaha Gobollada, ama agagaarkooda.
- Waxaa la mamnuucay in aanu sarrifka Dollar-ku dhaafi karin SL.SH/=7,000 (Toddoba Kun oo Somaliland Shillings).
- In Shirkadaha waaweyn ee leh Bangiyada gaarka ah (Private Banks) sida: Dahabshiil Group iyo Telesom Group ay si rasmi ah u joojiyaan Isku-Beddelka Lacagaha Qalaad (Foreign Money Exchange). Sidoo kale, Ganacsatada waaweyn ee waxna dhoofisa waxna soo dejisa, sida: Oomaar International Company, Deero Group iwm, aanay iyaguna si toos ah iyo si dadban toona uga ganacsan karin Isku-Beddelka Lacagaha.
- In Shirkadaha Telesom Group iyo Dahabshiil Group ee leh adeegyada Zaad iyo E-Dahab (Zaad and E-Dahab Services) ay joojiyaan lacagaha US Dollarka ah ee lagu shubayo Telefoonadooda Gacanta wixii ka yar $100 (Two digits), isla markaana ay ka saaraan system-kooda US Dollarka.
- Si kor loogu qaado loona dhiirri geliyo Isticmaalka Shilinka Somaliland, waa in Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil adeegyadooda Zaad-ka iyo E-Dahab-ka ay ka dhigaan ku-shubashada iyo ku-kaydsiga lacageed mid aan xad lahayn.
- Sida ku cad Qodobka 32-aad ee Xeerka Baanka Dhexe ee JSL, Lacagta Sharciga ah ee uu Dalkani leeyahay (Legal Tender) waa Shilinka Somaliland. Sidaa dareteed, Ganacsatada bixisa adeegyada kala duwan (Service Providers) iyo kuwa ka ganacsada alaabaha (Purchasing Goods) ay iibkooda ku saleeyaan Shilinka Somaliland. Sidoo kale, bixinta kharshyada ama biilasha la isticmaalo bishii sida Ajuurada Waxbarashada (School fees), Bixinta Nalka, Biyaha, Kirada Guryaha, ku shubashada telefoonka gacanta; waa in dhammaantoodba lagu saleeyo Shilinka Somaliland.
- In Bangiyada Gaarka loo leeyahay (Private Banks) ay Macaamiishooda u furaan Xisaabaha Shilinka Somaliland, maadaama ay tahay Lacagta Sharciga ah ee dalku leeyahay.
- Guddidu iyadoo gar-waaqsan sida uu dhigayo Xeerka Baanka Dhexe ee JSL, Cutubka 2-aad, Qodobkiisa 4-aad, Farqadiisa 4-aad, Xarfaha B, T & J; waxay Guddidu lagama maarmaan u arkaan in la xoojiyo lana tayeeyo Awooda Baanka Dhexe ee JSL uu ku fulinayo Waajibaadka uu u aasaasan yahay, oo ah:
- a) Inuu sameeyo, qaato isla markaana uu fuliyo Siyaasdda Lacagta Somaliland (Somaliland Monetary Policy).
- b) Inuu sameeyo, qaato isla markaana uu fuliyo Siyaasdda Sarrifka Lacagaha Qalaad iyo Nidaamka Lacaga la isugu beddelo dalka JSL (Foreign Money Exchange & Currency Trading Policy).
- c) Inuu hayo oo uu maamulo Kaydka Lacagaha Qalaad ee Dalkeena.
- d) In Baanka Dhexe ee JSL uu yahay Hay’adda Qaranka u xil saaran ruqsad siinta, kor-joogidda iyo kala noqoshada ruqsadaha ka ganacsiga lacagta, ciddii ku xad-gudubta sharciga.
Haddaba, maadaama loo baahan yahay in si deg-dega loo hirgeliyo qorshahan, waxaan hirgelinta iyo dabagalka hawshan u magaacabay masuuliyiintan soo socda:
- Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL.
- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah.
- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Ugu dambayn, Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo wuxuu si adag u faray dhammaan masuuliinta ay warqaddani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto, in ay meelmariyaan, fuliyaanna go’aamadan ka soo baxay Golaha Wasiirrada JSL, isla markaana ay sharciga la tiigsadaan cid kasta oo ka hor-timaadda dhagan-galkooda.
ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH
Xuseen Adan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha JSL,