Hargeysa–Siilaanyo ayaa si deg dega u joojiyay lacag madax furasho ah oo uu ku soo rogey baabuurleyda Berbera wax ka so dejiya kadib markii ay ku hanjabeen in ay isticmaali doonaan dekedda Boosaaso. Baqsintan dhaqaale iyo mid qabiilee ayaa ku khasbey in uu madax furashadaa cashuurta joojiyo.
Xildhibaanka Siilaayo ee Siciid Cilmi Roble ayaa cod gacan taaga oo la ogaa natiijada ka hor akhriyay golayaal isku yimi.
Fadeexadan weyn ayaa ah in Saylac iyo Lughayana wali ay saarnaato cashuur xad dhaafa halka kuwa beelahoodana markaaba laga dhaafo. Waxayna muujinaysaa madax jufeedyada Awdal ee la shaqeeya Siilaanyo iyo kooxdiisa in aan wax xushmad ah oo hayn.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS