Hargeysa–Gudiga doorashooyinka Somaliland oo shaqadoodii gabay ayaa ku baraarugey in xilka u kordhiyaan Siilaanyo oo hawlgaba oo aan hadda wax maamula shaqo ku lahayn laakiin ay ka hoos shaqeeyaan koox wasiiro ah oo ay isku hayb yihiin. Gudigan ayaa sheegay in doorashada ay qaban karaan bisha Juun ee sanadka dambe.
Warqad ay u direen Siilaanyo ayaa sidaasi ku qornayd. Siilaanyo ama wasiirada beeshiisa ah ee hadda maamula Hargeysa ayaa la filayaa in ay warqadaas u gudbiyaan golaha fadhiidka ah ee guurtida ee aan la garanayn hawsha ay qabtaan ee lacagta fadhiga loogu siiyo. Golahan ayaa waxa maamula Siilaanyo inadeerkii.
Xubnaha mucaaradka oo ka soo wada jeeda beesha dhexe ayaa iyagu hore u sheegay in Siilaanyo oo hawlgaba waqtigiisii dhamaaday laakiin la filayo in ay ka xanaaqaan kordhinta loo sameeyay lamase sheegi karo in hogaanka u jari doonaan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS