X

Siilaanyo oo isku shaandheyn sameeyay yaase kuraas lumiyay yaana lagu bedelay Ramaax

Siilaanyo ama gacanyareyaashiisa Maxamuud Xaashi iyo xaaskiisa Aamina Waris ayaa xalay soo saaray isku shaandheyn ay ku dhabarjabiyeen reer Awdal.

Waxay gobolka keeneen wiil dhalinyara ah oo beesha dhexe ka tirsan oo Laascaanood lagu dili gaaray oo intiisa badan Hargeysa ka bixi waayay laguna magacaabo Mustafe Cabdi Ciise.

Halka Ramaax uu ku tuurey Laascaanood. Waxa kale oo gacanyareyaasha Siilaanyo abaanduule ciidan u magacaabeen ninkii ka dambeeyay dilalkii Seemaal iyadoo looga dhigayo dhabarjabin.

Ma jirto hal kursi oo muhiima oo laga soo qaaday beesha dhexe oo la siiyay beelaha kale.

Waxa isku shaandheynta ka muuqda wasiir dadkiisa u gafay daraad oo Siilaanyo cuney maanta oo hadda isciil kaambiyeya wasiirkii duulista.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.