X

Siilaanyo oo ka aamusan hadalkii C/llaahi Jawaan ee ahaa in marhore hawlgab noqdey

Madaxweynaha maamulka Somaliland Siilaanyo ayaa ka aamusan hadalkii C/llaahi Jawaan ee ahaa in marhore hawlgab noqdey oo talada maamulka at iska wataan Maxamuud Xaashi iyo xaaskiisa iyo inta beesha kale.

Siilaanyo ayaa muddo shan sano si toosa saxaafada ula hadlin waxana waraaqaha loo qoro uu u akhriyaa sida warka loo qoro ayadoo loo dhigo muraayad weyn laakiin dhalaanka loogu sheekeeyo in uu taliyo.

Waxa marmarka qaar loo kaxeeyaa gobolada qaar si ay ugu noqoto hawo gedis lamana kulmo odayaal waxna ma waydiiyaan.

C/llaahi Jawaan oo ahaa la taliyaha Siilaanyo ayaan marnaba la kulmin wuuse isaga tagey shaqada siyaabo la xiriira arimo u gaara. Wuxuuna noqon kara masuul ka tanaasula lacag bilaasha oo uu qaato.

Jawaabta Siilaanyo oo uu qori lahaa Maxamuud Xaashi ayaan ilaa iman. Waxay noqonaysaa in dadka kale la kireysto si ay ugu jawaabaan C/llaahi Jawaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.