Hargeysa–Siilaanyo ayaa ka yaabsaday mucaaradkiisa oo raba inuu kursiga ka dego hadana soo saaray xilliga uu qabanayo diiwaangelinta oo dhaafsan intii uu kursiga sii joogi lahaa. Maamulka Hargeysa ayaan la garanayn cida ka talisa iyadoo la ogyahay in Siilaanyo aanu hadda talin ee loo qoro waraaqaha iyo waxyaabaha kale. Xataa looma ogola in uu warasysiyo bixiyo waayo waxba ma oga.
Hoos ka akhri mudo kororsiga ay rabaan kuwa ka dambeeya Siilaanyo:
Markuu Arkay: Qodobka 18aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007; Markuu Arkay: Soo jeedinta Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadeedu tahay KDQ/XK/405/2015, ee ku taariikhaysan 09/04/2015 iyo Lifaaqa la socda ee ay ku caddahay Muddada Diyaarinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Muddada Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu u leedahay in la qabto Doorasho xor ah oo xalaal ah. Wuxuu Soo Saaray: Xeerkan oo lagu go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu marka ay tahay 21/07/2015. ALLAA MAHAD LEH.”
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS