X

Siilaanyo-iyo Amina Weris oo dekeda Ceel-gerde ku kala aragti duwan by Abdi-Mustafe

Silaanyo raali ayuu ka ahaa in dekeda Ceel-gerde ay samaystaan beesha uu ka soo jeedaa oo hore ayuu uugu ogolaaday inkasta oo aan wax saxeexa laga hayan.

Hase yeeshee waxa iyaduna ka gilgilatay marwadiisa oo ka soo jeeda gobolka Saaxil oo amar ku siisay maareeyaha dekeda Cali xoor-xoor in uu lug iyo farasba isugu taago sidii loo baabiin lahaa. Dabeed Cali ayaa dhalin yaro beeshooda ka soo jeeda maal geliyey qoryana u iibiyey oo kula balamay inay dhaawacyo u geystaan qalabka lagu dhisaayo dekeda.

Halkaa waxa kale oo ku fur-furmay xisbigii Kulmiye oo madaxweynaha iyo marwadiisu midba dhinac u jiiday. Waxa kale oo dhacday in Amina Weris oon weli ka quusan xukunka ay Silaanyo ku tidhi wadanku wuu qasanyay ee mudada ha la inoo kordhiyo.

Silaanyo arinkaa si xun buu uuga cadhooday oo markiiba wuxuu la hadlay gudoomiyaha komishanka oo uu ku yidhi haday diiwaan gelinta iyo doorashudu maalin qudha dub u dhacaan waxaan kaa qaadayaa xilka. Amina Weris ayaa sida shaydaanka kolba dhan kaga imanaysa madaxweynaha oo bulshaduna waxay is weydiisaa talow iyamaa la doortay.

Xaqiiqdu se waxay tahay in Silaanyo ay Amina Weris iyo Zamzam Aden ku tunteen oo siday doonaan dalka ka yeeleen iyagoo aan madaxweynaha u danaynayn magaciisana dilaaya.

Muse Biixi na wuxuu uula yimi Madaxweynaha in Mohamed Abdillahi lagu soo celiyo wasiirka ganacsiga oo taana aad buu uugaga cadhooday Silaanyo wuxuu uugu jawaabay sow musharax nimo maad doonayn, orod oo tartan ha igu dul meeraysan oo kolba waxan ii qabo ha odhan e.

Madaxtooyada waxa ka taagan murano fara badan oo ay ka mid ahayd in Amina Weris ay doonaysay in duulista iyo Hawada la geeyo nin beesheeda ka soo jeeda hase yeeshee taana Silaanyo wuu ka gows adeygay oo ganafka ayuu ku dhuftay.

Madaxtooyadi waxay noqotay meel Silaanyo wax walba lagu dayo laakiin maalinkan maanta ah aad buu wax isaga celiyaa siiba Amina Weris iyo Muse biixi oo kolba mashruuc uula yimaada.

Abmustafe123@gmail.com

admin:

This website uses cookies.