X

Sirdoonka Kiiniya oo soo bandhigay shaqsiyaad ay si xooga u raadinayaan iyo magacyada

Warbixin ay soo saareen Sirdoonka dalka Kenya ,ayaa lagu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad ay Sirdoonka ogaadeen in ay maleegayaan shirqoolo ka dhan ah shacabka dalkaasi,Waxayna Dowladdu sheegtay in ay yihiin Koox argagixiso Shabaab ah oo kamid ah shabakad horay u maleegtay shirqoolo fashilmay.

Laban nin ee Dowladda Kiiniya ay raadinayso ayaa kala ah Axmed Xaashi iyo Faarax Dagane,waxayna Sirdoonka dalkaasi Kiiniya sheegeen in ragaas ay ku jiraan gudaha dalka Kiiniya, ayna xiligan maleegayaan shirqoolo ay ku doonayaan in ay ku dhibaateeyaan shacabka Kenya.

Sirdoonka dalka Kiiniya ayaa shacabka ka Codsaday in cidii warkooda hesha ay u soo gudbiso Saldhiga Booliska ee ugu dhaw,waxayna sheegeen in ragaasi dhaqaalo siinayso cidii keenta ,iyadoo mid walba la duldhigay lacag gaadhaysa Milyan shilinka Kiiniya

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.