Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in ay yaqaaneen nin u dhashay Maraykanka laakiin asal ahaan ka soo jeeda dalkaasi burburey ee Afgaanistaan. Sirdoonka FBI loo yaqaan ayaa sheegay in Cumar oo ku dhashay New York ay laba mar oo hore waraysteen kadib markii uu yiri hadalo xagjira, waxayse sheegeen in labada jeer lagu waayay wax cadayna kadibna arintiisa la xirey.
Dadkii yaqaaney Cumar oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu ahaa ciyaal xaafad aan ka duwanayn kuwa kale naagaha cadaankana aad u jecel oo ayna marnaba ka fileyn in uu gaysto xasuuq sidaa u balaadhan oo lagu qaado goob khaniisiintu ku caweeyaan.
Waxase aabihii uu sheegay in uu ka xanaaqi jirey khaniisiinta hortiisa isku dheg dhegan, wuxuuna intaas raaciyay in aanu fileyn in uu heerkaas gaaro oo uu xasuuqo dad aanu jeclaysan waxay doorteen in ay ahaadaan.
Aabihii ayaa cambaareeyay falka uu ku kacay wiilkiisa sheegayna in ayna haba yaraatee diinta wax shaqo ah ku lahayn ficilkaas guracan. Waxa hadda sirdoonka Maraykanku baarayaan waxa ku kalifey in uu gaaro heer uu soo iibsado qori kadibna fuliyo xasuuq sidaa u balaaran.
Dhinaca kale waxa dilka khaniisiintan ka faaiideystey cunsuri Donald Trump oo jaahilnimadiisa ay keentay in uu yiraa arka dee maxaan idii sheegayay, waxa iyadna dhinaca haweenayda musharaxa xisbiga dimoqraadiga Hillary Clinton ay dib u dhigtey kulan ay la qaadan lahayd Obama arintan awgeed.
Halka khaniis weyn oo Maraykanka ka caana uu ku eedeeyay Donald Trump in uu ka faaiideysanayo dhiiga daatey uuna yahay qof aan la dooran Karin.
Xaaskiisii hore
Xaas hore oo uu lahaa dhagarqabe Cumar oo hadashay ayaa Iyana sheegtay in uu dili jirey oo uu ahaa gebi ahaanba nin maskaxda ka jiran oo si fudud ku xanaaqa, ayna ka mid ahayd waxyaabaha fudud ee ka xanaajiya sida haddii dharka mishiinka lagu guriwaayo.
Waxay sheegtay in uu xataa u diidey in ay la hadasho qoyskeeda isla markaana maxbuus ku noqotey gurigeeda. Sitora oo ahayd xaaska Cumar ayaa sheegtay in ay la nooleyd afar bilood.
Waxayna sheegtay in aakhirkii laga soo badbaadiyay inta uuna gaarsiin dhibaato xoogweyn ama dilinba. Waxay intaas ku dartey in uu rabey in uu ku biiro ciidanka booliiska.
Shirkad waardiye
Shirkad Waardiye oo uu shaqaynayay Cumar laguna magacaabp G4S ahna kuwa loo ogolyahay in ay qaataan qoryaha ayaa sheegtay in ay laba jeer iska baadheen Cumar laakiin hadana ay waxba ku waayeen.
Cumar Matiin ayaa isna la diley kadib markii laga soo badbaadiyay dad uu ku qabsaday goobta. Si kastaba ha ahaatee weerarkan ayaa muujinaya in xagjiradu joogaan dalkasta oo ayna ku ekeyn dalalka Muslimiinta ee ay hore u burburiyeen.
Falanqeyntii Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.