X

Sirdoonka Maraykanka oo qabtey argagixiso gaala oo dil ugu hanjabey Ilhaan Cumar

Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaan FBI ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ninka lagu magacaabo Batrik Kaarliniyo oo hanjabaad u gudbiyay xafiiska Ilhaan Cumar ee caasimada Waashinton kuna hanjabayo inuu dili doono. Argagixiskaan taageersan Taram ayayna hay’adu sheegin xilliga ay gacanta ku dhigeen.


”Tani waxay muujinaysaa in nolosha Ilhaan Cumar halis ku jirto oo argagixisiinta gaalada ah shirqoolo u wadaan ayuu yiri Xirsi Warsame oo ku sugan Waashinton. Shaki Kuma Jiro inay yihiin taageereyaasha xagjir Taram ayuu raaciyay.

Argagixis Batrik Kaarliniyo ayaa la hadley xafiiskeeda kuna tilmaamay Ilhaan Cumar inay tahay argagixiso uuna toogan doono. Wicida xafiiskeeda ayaa dhacdey bishii hore.


Maaha markii ugu horeysay ee xildhibaan Ilhaan Cumar dil loogu hanjabo, waxana muuqata inay jirto is aruurin iyo is diyaarin in wax loo dhimo shaqsiyada Ilhaan Cumar ayuu yiri Xirsi Warsame.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABNINEWS

admin:

This website uses cookies.