Sirdoonka qaranka Somaliya ee loo soo gaabiyo afka qalaad NISA ayaa sheegtay in weriyaha idaacada gaalada u shaqeeya ee Haaruun Macruuf inay talaabo kla qaadi doonto.
Weriyahan ayaa raadsada shaqaalaha sirdoonka ee gaajaysan kadibna shilimaad yar kaga iibsada sirta qaranka, kadibna wuxuu u isticmaalaa sirtaas qaranka inuu ka sii daayo idaacada ku hadasha afka Maraykanka ee Voasomali.
Hay’ada ayaa sheegtay in weriyahaas u shaqeeya idaacada Maraykanka uu xiriir la leeyahay shaqsiyaad halis ku ah amniga qaranka sida argagixisada qaybna ka yahay musuqmaasuq buuxa.
Lama garan karo waxa hay’adu hadda ay qoonsatey xilli ninkaani muddo soo waday inuu shilimaadyar ku iibsado sirta qaranka kadibna faafiyo.
Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka hay’ada.
Si kastaba ha ahaatee waxa dad badan la yaabeen sirdoon qaranka oo Ku jira baraha bulshada kana soo hanjabaya ayuu yiri Cali Calasow waxaan ugu baaqayaa dawlada inay ka xirto sirdoonka baraha bulshada si hawlaheeda si hoose u gudato.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS