X

Maxay ahayd diyaarada Ruushka ee tuugada lagula kacay ee sirdoonku la wareeray

Sirdoonka Ruushka ayaa sheegay inay ku daba joogan tuugo xaday qaklab ku xiran diyaarad sira oo loogu talogalay in madaxda Ruushku raacdo haddii dalka lagu soo weeraro hubka nukliyeerka. Diyaaradan oo duushey markii ugu horeysay sanadii 1982, waxay si fiican u hawlgashay sanadii 1992.


Diyaaradan oo aan la aqoon waxa ku dhexjira ayaa sirdoonka Ruushku is weydiinayaa waxa tuugadu u soo weerartay iyo sababta diyaarada loo ilaalin waayay. Sirdoonka ayaa sheegay in helaan faro ayna hadda ku raad joogaan inay tuugadaas soo qabtaan.

Qalabka diyaaradan laga xaday ayaa gaaraya 39 waxana ku jira qalab koronto ku shaqeeya, qalabka raadiyaha.


Xilliga diyaaradan la xaday ayaa loo geeyay dayactir ahaan magaalo u jirto caasimada Mosko ilaa 1000km. Sirdoonka ayaa aaminsan in Maraykanku ku lug leeyahay tuugadan laakiin ay ka war heli doonaan xilliga gacanta lagu soo dhigo tuugadan.

Xilliyada loo baahdo diyaaradan ayaa u baahneyn inay fadhiisato dhulka, waxayna iska caabin kartaa hubka nukliyeerka.

Rashiid ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.