X

Sirilanka oo mamnuucdey af-qarinta iyo muslimiinta oo taageeray

Kadib xasuuqii dalkaasi ay gaysteen kooxda argagixisada ee Daacish ee ay ku dhinteen in ku dhow 400 oo qof o aan waxba galabsan ayaa dalkaasi yari ee sanam caabudka ahi bilaabay talaabooyin lagu xaqiijnaayo amniga oo au ka mid yihiin in la aqoonsan kari dadka.


Waxa cadaadis xooga la saaray Muslimiinta waxana jira warar sheegaya in Muslimiinta habeenkii lala baxo xataa iyaga oo aan waxba galabsan. Gumeysiga cusub ee kagu bilaabay Muslimiinta oo dhowr mar oo hore uu sanam caabudku gubey guryahooda ayaa waxa ugu biirey kuwa Kiristaanka oo baacsi bilaabay.


Sanam caabudka Sirilanka u badan ayaa sheegay inay mamnuuceen af-qarsiga si loo xaqiijiyo qofku cida yahay. Af-qarsiga ayaan diinta meelna kaga jirin laakiin ah mid ka yimid Wahaabiyiinta Carabta.

Muslimiinta dalkaas ayaa toos u taageeray mowqifka dawlada ay ku joojisay Af-qarsiga ama waxa loogu yeero niqaab.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABIBEWS

admin:

This website uses cookies.