X

Siyaasada Farmaajo ee urur diimeedyada Carabta ee Salafi iyo akhwaanka oo la amaanay balse

Siyaasada Farmaajo ee urur diimeedyada Carabta ee Salafi iyo akhwaanka oo la amaanay balse laga baqayo in uu dhinac raaco taas oo noqon doonta in uu waxba ka duwanayn Xasan Sheekh.

Urur diimeedyada carabta ee Salafi/Wahaabi ee Sucuudiga iyo akhwaan Muslimiin ee Qadar tageerto ayaa usbuucii hore isku dhacay safaaradahana kala qaatey.



Wadamada labada urur diimeed lacagta siiyaan ayaa iyaguna la saftey sidey sameeyeen xilligii Iraan. Xasan Sheekh ayaa isagu xiriirka u jaray Iraan kadib markuu lacago dheeraada ka qaatey salafiga Sucuudiga.

Farmaajo ayaa ka qaatey siyaasad dhexdhexaada taas oo ilaa hadda la amaaney, kana dhigtey taadu kuu gooni teyduna ii gaar.



Waxase aanu ogeyn in haddii faraha laga qaado labadan urur diimeed in ay kheyr ugu jirto Somaliya ee ayna marnaba shar ugu jirin.

Waxa muhiima in lala dagaalamo dhaqanka xun ee labadan urur diimeed ee akhwaan iyo salafi/wahaabi waliba Salafi/wahaabiga oo dadka Somaliyeed moodeen in ay diin saxa qaateen kalifteyna in haweenku dharmadow xirtan afkana duubtaan, dhalintuna isqarxiso.



Dhaqankan ayaa aad ugu faafay Somalida guud ahaan Koofur iyo Woqooyi.

Talaabada Farmaajo ayaa keentay in urur diimeedyada Carabta ee Qadar iyo Sucuudugu u soo kala badiyaan taageerada Somaliya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.