X

Siyaasi Cali Mahdi oo geeriyooday maxaanse ka ognahay taariikhdiisa

Lama hubo taariikhdiisa saxda ah ee dhalasho waxasa madaxweynihii hore ee Cali Mahdi laga hayaa inuu dhashay sanadii 1938. Siyaasi Cali Mahdi ayaa ku geeriyooday magaalada Nayroobi halkaas oo aan la sheegin sababta uu ku tagey.


Cali Mahdi ayaa ahaa xubin ka amida barlamaankii Somaliya ee lixdanadii waxana la sheegay inuu gaaray agaasime caafimaad sanadihii 70-naadkii. Kadibna wuxuu u wareegay dhinaca ganacsiga.

Cali Mahdi ayaa ka mid ahaa kooxdii manifesto ee ay wada xiriiri jireen madaxweynihii hore ee Somaliya AUN Maxamed Siyaad Barre, waxase lagu doortey Jabuuti si u ku meelgaara kadib markii dawladii dhexe ka baxday caasimada.


Waxase taas ka daran in inadeerkii Maxamed Faarax Caydiid oo isna sheegtay inuu kaadi u soo baxay jabhadeyn uu ku qabsado diidana sheegashada madaxweynenimo.

”Waxa murankayaga ugu weynaa beesha Hawiye oo ku fashilantey inay na dhexdhexaadiso ayuu yiri Cali Mahdi oo dhawaan waraysi bixiyay. Dagaalka u dhexeeyay laba jufo ee Hawiye ayaa keenay barakicii ugu weynaa ee ka dhaca ayadoo Somalidii dhisatey magaalada ay noqdeen kuwo badda ku gurma iyo dhexda lagu soo kufsado.


”Hawiye oo looga cararay caasimadii haddana maarayn kari waayay muddo ku siman 10 sano oo kala qaybsadeen magaaladii ayuu yiri Cali Calasow.

Inkastoo Cali Mahdi loogu yeero madaxweyne marnaba ma noqon madaxweyne maamula meel ka baxsan Huriwaa, ayadoo inadeerkii Caydiid isna sheegtay madaxweyne.

Waxa Cali Mahdi laga hayaa inuu lacag si sharci daro ah ku qaatey kadibna guryo ka dhistey. Wuxuu sheegay siiba muddadii fadhiid Xasan Sheekh inuu lacagtaa hore ee uu xaday uu dib ugu celiyay qaranka.


Waxa tacsida u direy musharixiinta Hawiye oo baryahan uu ka mid ahaa. ”Waxaan ka xumahay burburkii ciidan ee aan qayb ku lahaa markii Cumar Carte yiri hala isku dhiibo maleeshiyadii dhegaha lahayd.

Inaa ilaah waa inaa ilayhi raajicuun

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.