X

Siyaasi ka cararay Muuse Biixi oo si aanu fileyn loogu soo dhaweeyay xisbiga Wadani

Siyaasiga Axmed Yasiin sh Cali Ayaanle ayaa sheegay inuu ka soo cararay Muuse Biixi una carogedistay xisbiga kale ee Wadani ee la filayo inuu ku guulaysto doorashada sanadka dambe la filayo haddaanu Muuse Biixi ku darsan.


Soo dhaweyntii loogu sameeyay xisbiga Wadani ayaa mid ka mida siyaasiyinta isaguna ka yimi Muuse Biixi uu u sheegay Axmed Yaasiin in xisbigani ahayn meel dadka ka soo carooda Muuse Biixi soo galaan.

Mudadii horjooge Muuse Biixi talada gobolka loo dhiibey ayaa lagu khasaarey judhii ugu horeysayba wuxuuna talada maamulka gacanta u galay beeshiisa yar ee degta xaafad ka tirsan Hargeysa.


Axmed Yaasiin ayaa ka faaiideysanaya qaatiga dadku ka joogaan maamulka horjooge Muuse Biixi rabana inuu ka mid noqdo maamulka cusub ee C/raxmaan Ciro, inkastoo C/raxmaani Ciro aanu muujin ilaa hadda inuu ka duwan yahay Muuse Biixi laakiin ugu yaraan aanu daadin dhiig Muslim.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.