X

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo la sii daayay iyo shuruuda jirta

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa la sii daayay kadib markii dawladu ka soo qabatey gurigiisa. Ilaalada siyaasigan ayaa dagaalamay waxayna keentay dhimashada 5 askari.



Wadahadallo socday in ka badan 10 saacadood oo ay qeyb ka ahaayeen madax kala duwan, odayaal iyo maamul Goboleedyo ayaa ugu danbeyn si xeer jajab ah lagu sii daayay C/raxmaan C/shakuur.



Siyaasigan oo lagu hayay xarunta Dhexe ee NISA ee lagu hayo Xasan Daahir Aweys ayaa lagu sii daayay damiin kadib markii dawladu dalbatey in muddo loogu daro.

SDamiinka lagu sii daayay siyaasiga ayaa waxaa xaqiijiyey odayaasha iyo xildhibaanada ay isku beesha yihiin oo dadaal badan u galay sidii loo damiinan laha.



Waxa welli la sugayaa dacwada ay ku haysato dawladu inay soo bandhigaan berito (Khamiis) oo maxkamad loo diyaariyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.