Siyaasiga Ismaciil Hure Buubaa oo waraysi bixiyay ayaa ka hadlay wadahadalada u furmey maamulada Khaatumo iyo Somaliland. Wuxuuse sheegay in marka hore isha lagu hayo xaaladaha is bedelaya ee ka socda Muqdisho.
Mar uu wadahadalada Khaatumo iy Somaliland ka hadlayay ayuu sheegay in wadahadaladaas uu aad iyo aad ayaan u soo dhaweynayo, wuxuuna yiri” Cali Khaliif waa nin aanu aad saaxiib u nahay aadna isku naqaano in badan oo isaga la iga wareystay waxaan ku celcelin jiray Cali Khaliif waa nin reer Somaliland ah,
Laakiinse Beeshiisu waxbay tabanaysaa, waxaana loo baahan yahay in wixii dhibaatooyin ah ee tabasho ah meesha laga saaro, waxaan u arkaa in wada hadalkaasi uu dhismaha Somaliland qayb culus ka qaadanayo waxaana wanaagsan in Bari ilaa Galbeed Somaliland is raacdo oo Caalamkuna u arko Waddan degan oo dadkiisu is wada raacsan yahay”.
Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo ka hadlaya doorashooyinka soomaaliland iyo qabsoomidooda ayaa waxa uu yidhi “Xukuumadda oo soo jeedisay in mudo kordhin loo sameeyo maanu maqal, hay’addaha ku shaqada lehna kamaanu maqal, markii haddii aan wax cad la haynin waxay aniga iila muuqataa mala awaal waxan la sheegayaa,
Laakiin wax kasta oo la keeno waa inaan la sharaysan oo la eegaa wixii dan ah wixii aan dan ahayna laga waaniyaa dawlada iyo cid walba oo wadata, wixii umada dan u ahna waxa wacan in lagu dhaqmo.”
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS