X

SNM madaxdii qaranka difaacaysay sharci gaalay la doonatey kuwii ay xasuuqeena xagee!!

Waxa usbuucii hore dalka Maraykanka la soo gabagabeeyay dacwad SNM ku qaaday sarkaal ka tirsanaa ciidanka qaranka ee cadowga ka difaacaayay dalka. Cadowgaas oo gabaad ka dhigtey SNM una saamaxay inuu siiyo hub casri ah oo lagu diley shacab Muslimiina oo Somaliyeed.


SNM ayagoo hubkaas isticmaalaya waxay marka hore barakiciyeen dadkoodii iyo kuwii kale ee Somaliyeed ee ku noolaa gobolada Togdheer iyo Woqooyi Galbeed, markii dambena waxay ku xijisiiyeen gobolada Sool, Sanaag iyo Awdal.

Waxa ugu dambeyn isku jeestay isla SNM markey ka dhergeen bililiqadii xoolaha ummada ka dhaxaysay ee magaalooyinka Burco iyo Hargeysa oo ah intii ka hadhey dadkii hore u barakacay sida dhismayaashii warshadaha dalku ku lahaa Woqooyiga iyo dhamaan agabkii dawladnimo.


Shir loogu qabtey Boorama ayaa lagu heshiisiiyay si ixtiraam ku jirana furaha loogu dhiibey maamulka. Intaas kadib waxay SNM bilowdey inay gaalo cadaalad u doonato oo dacwad la fuusho halyay sareeye Gaas Maxamed Cali Samatar.

Waxa ku xigey Koloneel Tuke oo reer Soola, labadaba waxba waa lagu waayay, marka la fiiriyo Koloneel Tukena waxa mid ka mida kuwii dacweeyay uu sheegay inayna lacag ka heli doonin.


Su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah SNM waxay jeceshahay inay tidhaa wixii ay ka samaysay Woqooyiga ayadoo wadata hubkii cadowga iyo bililiqadii hubkii qaranka oo welli ku dabaaldegaan, waa dagaal sokeeye oo waa laga heshiiyay, xataa kii ay dadkooda ku barakiciyeen ee Hargeysa iyo Burco.

Hadaba mar hadday SNM cadaalad u doonatey gaalada, dadkii ay xasuuqeen halkee iyaguna cadaalad u raadsan doonaan??

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.