X

Snowden oo qarxiyay sirtii ugu waynayd iyo telefoonada gacanta ee casriga oo Marayakanku jabsado: SIR WEYN

Sir ma qariyihii Edward Snowden ee hore u qarxiyay in dawlada Maraykanku dhegeysato teleefanada guryaha iyo internet-ka ku jira iyagoo jabsanaya qaybta xiriirisa ee loo yaqaan ruutarka ayaa hadda sheegay in moobilada gacanta ay waxay doonaan ku samayn doonaan xataa haddii ay dansanyahay yihiin.

Snowden oo bixiyay waraysi xasaasiya ayaa qarxiyay in Maraykanku siiyay Ingiriiska tiknoolajiyada uu kula wareegi karo ama ku jabsan karo teleefanada moobilada iyadoo aanu ogaan karin qofka moobilka iska leh xataa ayuu yiri hadday u geeyaan kuwa moobilada sameeya.

Snowden ayaa sheegay sida ay u sameeyaan arintaas wuxuuna tilmaamay in ay qofka u soo diraan fariin qoraaleed taas oo aanu qofku helin laakiin toos ugu dhacda aalada moobilka iyadoo qofku aanu ogeyn.

Snowden ayaa sheegay in qofka moobilka iska leh aanu awoodin in uu waxka qabto dadkan la wareegay moobilkiisa ee ku samaynaya waxay rabaan.

Wuxuu intaa ku daray in marka laguu soo diro fariintaas xiran ee aanad arkaynin kadib moobilkaaga sidii la rabo loo isticmaali karo. Waxyaabaha ay samayn karaan adigoon ogeyn waxa kamida waxyaabaha soo socda.

In ay furi karaan moobilka dansan

In ay arkayaan cida aad la hadlayso, fariimaha aad dirayso, cida kuugu jirta moobilada, meelaha internet-ka ee aad booqatay, iyo qaybta Wireless ee guriga iyo meelaha kale ee aad kiu xiran tahay

In ay kaamarada furi karaan oo ay sawir kaa qaadan karaan

In ay ogyihiin goobta saxda ah ee aad kusugan tahay iyagoo isticmaalaya qaybta satalaytka ee kuu tilmaamaya halka aad joogto.

Waxaas oo dhan adigu ma ogid waxana u saamaxaya fariinta laguu soo diray. Sirtan weyn ee uu khashifey Snowden ayaa nin u hadlay Maraykanka iyo Ingiriiska ay ku tilmaameen nin qarxiyay wixii yaraa ee ay ku sugi lahaayeen amniga.

Snowden ayaa sheegay in xarunta ku taala Ingiriiska ay kaliya tahay mid laga ag sameeyay tan Maraykanka ee sirdoonka inta badana ay istcimaalaan tiknoolajiyada Maraykanku bixiyo.

Waxay idiin sheegaan ayuu yiri in ayna akhrisan iimaylada dadka waa run haday rabaanse way akhristaan mana ogaaneysid in ay akhristeen.

Waxa aad loo xasuustaa in madaxweyne Obama loo diidey in uu isticmaalo moobilkiisa waayo waxay ogyihiin sidan oo kale in ay jirto.

Snowden ayaa marhore oo la waydiiyay sababta uu u qarxinayo sirahan ayuu sheegay in ay tahay danta caamka ah oo ay tahay waxan la samaynayo mid aanaan aqoon u lahayn, aanaan ogolaan ayna ka soo horjeedo dimiqraadiyada.

Soo akhrintii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.