Waxa dhawaan gobolka Somali galbeed soo gaaray raiisal wasaaraha Itoobiya oo ka soo degay magaalada Godey oo ahaan jirtey xero ciidan, ahaydna meel lagu gumaado Somalida. Raiisal wasaaraha ayaa dhagax dhigey mashaariic wadooyina oo ay ku baxayso ilaa ku dhawaad 80 milyan.
Raiisal wasaaraha ayaa booqday sadex magaalo oo inta badan ay ka socdaan mashaariicda ay hirgelinayso dawlada dhexe taas oo horjooge Cagjar sgheegay in isagu u gudbiyay dawlada dhexe.
Waxase raiisal wasaaruhu ku darsaday degmada Lafaciise ee gobolka Harawa halkaas oo aanu ka jirin wax horumara una xisaabsanayn maamulka Cagjar. Keliya wuxuu sheegay Cabi Axmed in beeraha oo la fasho wanaagsan tahay mase sheegin inuu sii hormarinayo sidii wax soo saarku u hana qadi lahaa.
Waxana loo aanaynayaa maamulka Cagjar iyo dadka deegaanka oo aan si toosa wax u dalban. Ugaaska beelaha Gadabuursi oo isaguna hadlay ayaa uka mahad celiyay booqashada mase sheega=in in wax lo balan qaaday.
Isku soo duuboo waxay ahayd booqasho aan looga faaiideysan sidii loogu talogalay, ayadoo maamulka hadda jiraa ee Mustafe aanu haba yaraatee wax mashaariica ka fulin dhul badan oo dihan oo u baahan in la maalgeliyo, ayadoo wadooyinka waaweyn iyo biyo gelintuba ka socdaan dhulka beeshiisa.
Hoos ka daawo Ugaaska oo ka hadlay booqashada.
Maxamed Yusuf
ARAABINEWS