Somali badan ayaa ku biirey ciidanka Yaman ee Koofurta dalkaasi sida warar la ogaadey ay xaqiijeen. Dhalinyartan ayaa u badan kuwo ku korey dalkaasi Yaman.
Sucuudiga ayaa dhabarjebiyay dalkaasi fiqiirka ee ay jaarka yihiin iskuna dadka yihiin. Dawlada Xuutiyiinta iyo madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Cabdalla Saalax ayaa Sucuudiga u ogolaan waayay in uu danihiisa ka fushado dalkaasi.
Sucuudiga oo taageero ka helaya Yuhuuda, iyo Maraykanka ayaa hub casri oo Maraykanku siiyay ku garaaca dalkaasi. Sargaal u hadlay ciidanka Yaman ayaa sheegay in muwaadiniin Somali ah ku dhintey dagaal xadka ku dhexmaray ciidanka Sucuudiga iyo kuwa Yaman.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS