Booliiska dalkaasi Bulgaria ayaa sheegay in haweenay loo malaynayo Somali ay u dhimatey qabow mar isku dayeen in ay u soo gudbaan dalkaasi.
Booliiska ayaa sheegay in koox ay ka mid ahayd haweenaydaas la dhigey isbitaal iyadoo faruuryuhu qalaleen iyo xanuuno kale oo la xiriira qabowga.
Haweenayda dhimatey ayay sheegeen in ay cadayn doonaan. Dadka kale ee la dhigey isbitaalada waxa ku jira dad gaajo iyo dagaalo ka soo cararay oo ka kala yimi Bakistaan iyo Afganistaan iyo Somaliya.
Somalida la socotey haweenayda oo ahaa laba wiil ayaa iyagu sheegay in haweenaydu ka mid ahayd oo qabogu diley halkla booliisku sheegeen in ay baadhayaan sababta saxda ah.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS