X

Somali fuuley gaari aanu awoodin oo lagu ganaaxay 46,000 oo doolar iyo cabaadka

Somali fuuley gaari aanu awoodin hadana isku dayay inuu ku wado xawaare aan la ogoleyn oo saacado yar gudahood ganaaxiisu gaaray 46,000 magaalada Dubay ayaa qaylodhaan hawada soo mariyay.

Ninkan Somaliga oo 25 jira ayaa la sheegay inuu istus u kireystay gaariga hadana gooyey xawaare saaida si loo arko gaariga qaaliga ah ee uu wato.


Ninkan oo lagu magacaabo Faarax Xaashi ayaa dalbanaya in lacagta laga bixiyo si uu Ingiriiska ugu noqdo maadaama fasaxii ka dhamaanayo.

Gaariga lagu ganaaxay oo loo yaqaan Lamborogini ayaa waxa wata dad lacagta daadiyay oo saacadii ku baxayso 2000 oo doolar.


Shirkada uu ka kireystay gaariga ayaa ka haysa baasaboorkiisa lamana siinayo ilaa uu bixiyo lacagtaas dhan 46,000kun ee doolar.

”Waxay cashar u tahay dhalinyarta in aadan samayn istusnimo sidaas u xun oo kale, bal hadda fiiriya ciriiriga uu geliyay waalidkii ayuu yiri odey Somali ah oo jooga Dubay.


Waa lacagtii ugu badneyd ee lagu ganaaxo sharciyada taraafikada. Gaarigii uu ganaaxa ku galay ayaa horyaala huteelka uu degan yahay.

Sawirka Faarax Xaashi ee laga sugayo 46,000 e doolar

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.