X

Somali ku dhimatey Liibiya iyo sida wax u dhaceen

Somali ku dhimatey Liibiya. Wararka aan ka helayno dalkaasi Liibiya ayaa sheegaya in Somali ku dhimatey magaalo la yiraa Banu Waliid oo hoy u ahayd hogaamiyihii gaaladu dishey ee Qadaafi.



Ugu yaraan 19 qof ayaa la soo sheegayaa oo isugu jira Somali iyo dalal kale oo Afrika ah. Somalidan ayaa la socdey gaari xamuula oo tahriibinayay.

Dadka dhaawac ah ayaa la sheegay in Sideed ka mid ah dhaawacooda uu halis yahay, kuwaasi oo hada xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.



Shaqaalaha Isbitaalka Binu Waliid ayaa sheegay inaanay heynin Darawalkii gaarigaasi waday, islamarkaana aanay ogeyn inuu dhaawac yahay iyo in kale.

Somalida Liibiya taga ayaa loo gaystaa kufsi joogta ah iyo baad laga qaado kadibna la saaraa doon shiraaca.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.