X

Soomaali lagu qabtey alaab qaaliya dalkaasi Koofur Afrika

Boliiska dalkaasi Koofur Afrika ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaadhi xamuula oo la soo xaday. Gaadhigan xamuulka ah ayaa waxa ku jirey telefishano noocii ugu dambeeyay oo qaaliya.


Gaadhigan xamuulka ayaa la sheegay inuu ku jirey raadaarka booliiska kadib markii la soo gudbiyay. ”Waxaan aragney gaadhi si qaldan u socda hadana aan noogu jirin raadaarka ayay sheegeen booliisku.

”Markaan joojinay waxa saarnaa sadex Soomaali ah oo gaadhigu u saarnaayeen telefishano qaaliya oo lacagtooda lagu qiyaasay 360,000 oo lacagta dalkaasa una dhiganta ku dhawaad 3000 oo doolar.


”Waxa saarnaa gaadhigaa xamuulka nooca 7 tan qaada 42 telefishan ayuu yiri booliiska. Eedaysaneyaasha ayaa maxkamad la soo taagi doonaa Isniinta ayuu booliisku yiri.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.