Somali markale laga soo dejiyay garoonka Muqdisho. Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa lagu arkey dhalinyaro faraxsan oo diyaarad laga soo dejiyay. Dhalinyartan ayay sanado ku qaadatey in ay ku tagaan wadamada laga soo celiyay.
Dhalinyaradaan ayaa tiradooda waxa ay gaaraysa 17 , waxaana lagu xiray Suudaanta Koonfureed ka dib markii lagu eedeeyay in ay tahriibayaan ahaayeen.
Soo deynta dhalinyaradaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Safaarada Soomaaliya ee dalka Suudaanta Koonfureed.
Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jubba ayaa dhawaan Warbaahinta u sheegay in ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaa soo ku xiran Xabsiyadda dalka Suudaanta Koonfureed.
Inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa la kulmaya dhibaatooyin kala duwan xilliyadda ay tahriibayaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS