X

Somalida oo aad u carootey hadal ka yimi Abiy Axmed iyo shidaalka Caluub

Somalida ayaa aad u carootey hadal ka yimi Abiy Axmed oo ku saabsan shidaalka Caluub ee Somali Itoobiya. Raiisal wasaaraha ayaa ka hadlayay qoondada Somalidu ku yeelayso.

Abiy Axmed ayaa sheegay in dalalka qaar la siiyo goobaha laga helay shidaalka boqolkiiba 5 ama 10. Ma sheegin in gobolka Somalidana intaas la sin doono taas oo keeni karta kacdoon.


Gobolka Somali galbeed ama kilinka shanaad wuxuu aad uga dambeeyaa gobolada kale ee toobiya. Madaxweynaha ismaamulka mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in gobolku ku yeelan doono boqolkiiba 40. Inta la siiyo federaalkana wax ku leeyihiin.

Siyaasadaha ugu waaweyn ee horyaala Abiy Axmed ayay ka mid tahay afarta sano ee soo socota. Abiy Axmed ayaa sheegay inay hal bilyan oo doolar ka heli doonaan shidaalka.


Sidoo kale Abiy Ahmed ayaa sheegay in shidaalkan oo wakhti badan la baaraayay oo aan horey loo ogeyn waxa uu yahay, hadda hadii la dhaho deegaankayaga ayaa laga soo saaray oo anagaa leh ay ka dhalan karto inaan isleyno.

Ma jirto siyaasad degsan oo lagu mamulo kheyraadka dalka Itoobiya, shidaalka laga helay dhulka Somalidana uuba ka duwan yahay, ayna adkaan doonto in kheyraad ka soo baxay dhul Somaliyeed lagu horumariyo dhulal kale.

Ma cadda in boqolkiba 5 ama 10 ee uu ka hadlayo lagu hormarinayo deegaanka shidaalka laga helay KALIYA iyo inay tahay dhulka Somalida oo dhan. Taas oo ka dhalan karta khiyaamo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.