X

Somalida Sweden oo ka banaan baxay hadal ka soo yeeray…SAWIRO

banaanbax balaaran oo looga soo horjeeday xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Sweden oo gef iyo meel ka dhac u geysatay umadda Soomaaliyeed ayaa ka dhacay magaalada Orebero ee dalka Sweden.

Banaanbaxan ayaa ka dhacay banaanka hore ee aqalka uu ka socday shirweynaha xisgiba bidixda (V) oo ay haweyneydan ka tirsan tahay.

Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qornaayeen erayo ay ku muujinayeen sida ay uga xun tahay umada Soomaaliyeed falkii naceybka ahaa oo ay ku kacday Xildhibaanadan.

Waxaana xisbigeeda loogu baaqay in gabi ahaanba laga eryo lagana saaro liiska xildhibaanada Sweden maadaama fal naceyb iyo cunsuriyad ah ay qowmniyad dhan kula kacday.

Xildhibanadan oo lagu magacaabo Amineh Kakabaveh ayaa baraha buulshada ku faafisisay Video Been abuur ah oo qolo cunsuriyiin ah ay ka sameeyeen muuqaal hore oo tarjumad qaldan lagu sameeyey kaas oo lagu sheegay hadalo meel ka dhac ah.

Waxaana si weyn arinkan uga gilgishay guud ahaan Soomaalida ku nool Sweden taas oo markii dambe keentay in xisbiga bidixda oo ay xildhibaanadan ka tirsan tahay ay ku sameeyaan shaqo joojin mudo hal bil ah.

Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
admin:

This website uses cookies.