Somaliland way ku tumataa xuquuqda saxafiyiinta waxa warbixin dheer ka qortey ururka aan xuduudaha lahayn ee u hadla xuquuqda saxafiyiinta. Maamulka Somaliland oo dimoqraadi sheegta ayaa xidhey saxafiyiin badan oo fikirkooda ka dhiibtey sida maamulka wax u wado.
Saxafiyiinta aan Xudduudda Lahayn (RSF) ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Maxamed Dirir, oo ah wariye lagu xukumay 18 bilood oo xabsi ah 8dii Oktoobar ayna xukuntay maxkamad ku taalla Hargaysa.
“Waxaan cambaareyneynaa xukunkan aan sharciga waafaqsaneyn iyo habka loo soo saaray, taasoo ku xad gudubtay xuquuqda eedaysanaha ee habsocodka sharciga, sababtoo ah garyaqaankiisa lama joogin,” ayuu yiri Cléa Kahn-Sriber, madaxa xafiiska RSF ee Africa
“Waxaan ka codsaneynaa maxkamadaha Hargeisa in ay raacaan dastuurka Somaliland, kaas oo sheegaya in xorriyadda saxaafadda la ixtiraamo, waxaana ugu baaqaynaa in si deg deg ah loo sii daayo wariyahaan.” ayuu hadalkiisa kusii daray Cléa Kahn-Sriber.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS